Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo La Wareegay Faxfaxdhuun.

Askarta Al-Shabaab

Saaka, ciidamada dowladda Kenya ayaa gebi ahaanba isaga baxay deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo, halkaas oo sanooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Kenyaatigu.

Ciidamada Kenya oo maalmihii u dambeeyay waday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u muuqday ka bixitaan ayaa saaka si toos ah uga baxay Fax-faxdhuun, waxaana ay ku baxeen wadada Giriley ee aada dhinaca dhulka NFD ee Kenya xooga ku heysato.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu faraxay ka bixitaanka ciidamada Kenya ay ka baxeen deegaankooda, waxaana hadda boqollaal ruux ay ku suganyihiin saldhigii ay faarujiyeen ciidamada Kenya.

Ciidamo aad  u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta Fax-faxdhuun, waxaana magaalada ka jira jawi farxadeed oo aad u sarreeya.

Kenyaatiga ayaa intii ay joogeen Fax-faxdhuun waxay la kulmayeen weeraro joogta ah oo uga imaanaya dhinaca Mujaahidiinta.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.