Daawo Sawirrada Xeradii Ay Ka Bexeen Ciidamada Kenya ee Buusaar.
Ciidamada Kenya ayaa maalintii shalay isaga baxay gabi ahaanba degaanka Buusaar ee gobolka Gedo halkaasoo ay si toos ah ula wareegeegtay Xarakada Al-Shabaab. Kadib markii la hubiyay ammaanka xerada ayaa waxaa loo fasaxay dad weynaha reer Buusaar si ay uga qaataan agabyada ay Kenyaatigu ka tageen.
Sida laga dheehan karayo sawirrada, ciidamada Kenya ayaa difaacyo waaweyn ka dhistay halkan, waxaana qaarkood ay ku yaallaan dhulka hoostiisa. Sidoo kale waxaa sawirrada ka muuqanaya gaadiid gaashaaman iyo kuwa kale oo laga gubay.
Buusaar ayaa ah meeshii ugu dambeysay oo gobolka Gedo ah oo ay isaga huleelaan askarta Uhuru, tan oo ka dhigan in ciidamada Itoobiya ay kusoo hareen gobolka. Qoysas badan oo horey uga barakacay Buusaar ayaa billaabay iney dib usoo laabtaan. 02-03-2019, ayay ahayd markii ciidamo kale oo Kenyaan ah ay isaga bexeen degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA.
Af qarmuune kiinyaan wuxuu karosho diidaaba
Kibir iyo is yeel yeel wuxuu madaxa kuusaaba
Karti iyo karaamiyo rag sharaf kaamil loosiiyeh
Kaaraha dulmari wuxu is yiri kaadir hana qaaday
Kashiisaba magalin inay shabaab kooyalada furane
Cayr kabaha jiidaysa iyo saw noqon kiish banaan yaala
Kalyo malahan kafaradu narkii laysu soo kacaye
Dhufaysyaday Ku xaareen markale kiiya laga saaryey
Xaqqa ayaa shaqeeyo
Xaqqa ayaa shaqeeyo