Dagaalka Hotel Maka Al-Mukarama oo Kusii Fiday Dhismayaal Kale Iyo Hub Laga Furtay Askarta DF.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya hotelka Maka Al-mukarrama iyadoo ku dhawaad 10 isku dayo ah oo ay sameeyeen ciidamada dowladdu noqdeen kuwa fashilmay. Dagaalada ay ciidamada dowladda ku qaadeen dhismayaasha ayaa awood dheeraad ah sii siiyay ciidamada Al-Shabaab kadib markii askarta dowladda lagala wareegay saanad hub ah.

Ciidamada dowladda ayaa dagaal wax yar ka hor dhacay looga dilay 6 askari kuwaasoo sadax kamid ah ay wateen qoryaha loo yaqaano M16, halka sadaxda kale ay wateen Ak47 ay dhoombirro ku xiran yihiin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay isku fidiyeen dhismayaal hor leh waxaana adag in ciidamada dowladda ay aaggaa si toos ah uga dagaalamaan waayo waxaa jira shishyahanno Al-Shabaab ah oo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin oo ay xabadda kasoo ridayaan.

Habeenkii xalay ayay ahayd markii ciidamada Xarkada Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta hotelka Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Shabaabku galaan hotelkan.

Hadda ka hor weerar ay kula wareegeen waxa ay ku dileen mas’uuliyiin DF ka tirsan, saraakiil, iyo dib lumaasiyiin. Waxaa ugu caansanaa Yuusuf Baribari oo ahaa safiirkii dowladda u fashiyay Swesarland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.