Dhagayso: Taliska Milliteriga Xarakada Al-Shabaab oo ka hadlay Weeraradii Makka Al-Mukarrama iyo Madaxtooyada.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab; Afhayeenka ciidamada Xarkada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku faafahiyay weerarkii weynaa ee Hotel Makka Al-Mukarrama, duqeyntii maanta lagu garaacay xarunta madaxtooyada, iyo la wareegitaanka ay Mujaahidiintu la wareegeen deegaanka Faxfaxdhuun.

Ugu horreyn wuxuu Afhayeenku ka hadlay weerarkii cuslaa ee habeenkii Jimcaha ku qaadeen hotelka Makka Al-Mukarrama, kaas oo uu sheegay iney ku dileen 45 askari oo katirsan ciidamada dowladda.

Mudadii uu hawl galka socday ayaa wuxuu sheegay in ay ciidamadooda iska caabiyeen weeraro badan oo uga yimid askarta DF. Qaar kamid ah weeraradaas ayuu xusay in dowladda federalka ay meydad uga carartay kadibna ay ka furteen hubkii iyo saanaddii ay wateen.

Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab wuxuu shaaca ka qaaday in qaar kamid ah raggii fuliyay howlgalkaas ay iyagoo bad qaba dib usoo laabteen, wuxuuna intaa ku daray in hotelku ahaa goob ay ku shiraan saraakiisha dowladda.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa baaq muhiim ah u jeediyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, baaqaas oo ah iney ka fogaadaan goobaha ay beegsanayaan Mujaahidiinta ee ay ku suganyihiin saraakiisha iyo xubnaha dowladda.

Dhinac kale  Sheekh Abuu Muscab ayaa faafaahin  kabixiyay weerarkii duqeynta ahaa ee ay maanta ku garaaceen xarunta madaxtooyada, isagoona sheegay iney dhacday duqeyntan xilli ay dowladdu xirtay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay duqeynta la beegsadeen gudaha Madaxtooyada. Mana ahan markii ugu horreysay oo sidan oo kale ay Madaxtooyada ku dhacaan Madaafiic bar tilmaameedsi ah. Madaafiicdii maanta ayaa haleelay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha oo ku dhex yaalla halkaas.

Ugu dambeyn, Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab, wuxuu ka hadlay ka bixitaanka ciidamada Kenya ee deegaanka Faxfaxdhuun, isagoona sheegay in ciidamada Kenya ay maanta baxeen iyagoo dulleysan, xilli uu sheegay in markii ay soo galayeen ay kibirsanaayeen.

Halkan ka dhagayso Shirka jaraa’id ee Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.