Dhageyso Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo Lagu Lafa Guray Dhacdadii Xanuunka Lahayd Ee Gaalkacyo.

Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo usbuuciiba maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana lagu soo qaataa qodob muhim ah oo wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan.

Maanta waxaa barnaamijka lagu falanqeeyay falkii naxdinta lahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas Qarjab oo ahayd gabar 13 jir ah taasoo inta la kufsaday oo la dilay haddana meydkeeda lasoo ag dhigay guriga hooyadeed.

Barnaamijka waxaa marti ku ahaa Dr. Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo ah dhaqtar ku takhasusay Daawada iyo Kiimikada. Sidoo kale Dr-ku waa falanqeeye siyaasadeed, waliba wuxuu si aad ah ugu dhuun daloolaa arrimaha geeska Afrika.

Barnaamijka waxa kale oo ka qeyb qaatay dad weyne, iyadoo lagu soo hadal qaaday dhacdooyin kale oo xanuun leh islamarkaana xiriir la leh dhacdadii Gaalkacyo.

Ku Degso Tayo Sare Diiradda Jimcaha 01-03-2019

Ku Degso Tayo Dgexe Diiradda Jimcaha 01-03-2019

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.