Difaacyada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ee Buula-mareer Oo la weeraray.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo cagta mariyay Saldhig ciidamada Amisom ku lahaayeen Jannaale-2015

Habeenkii xalay, waxaa magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha-hoose ka dhacay dagaallo xoogan oo lagu qaaday dhufeysyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin magaalada.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa mar qura rasaas ku ekeeyey difaacyada ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha, waxaana rasaasta la isku adeegsanayay ay ahayd mid culus.

Inkastoo aynaan helin khasaaraha gaaray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda hadana waxay dad goobjoogayaal ah sheegayaan inuu jiro khasaare marka wax lagu dhisto waqtiga uu socday dagaalka iyo rasaasta la isku adeegsanayay.

Shisheeyaha jooga Buula-mareer ayaa marar badan waxay la kulmeen weeraro waaweyn oo ay ku qaadeen ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo khasaare kala duwan gaarsiiyay.

Dhinac kale, qarax xoogan ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Afgooye ee  gobolka Shabeellaha-hoose.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa Buunda-yareey ee Afgooye.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.