Diyaarad dagaal oo ku burburtay xuduud beenaadka Hindiya iyo Pakistaan.

Iyadoo weli xiisada u dhexeysa wadamada Hindiya iyo Pakistaan ay sideeda tahay, walow degnaansho aan sidaas u badneyn la dareemayo, ayaa hadana waxaa xuduud beenaadka Hindiya iyo Pakistaan ku burburtay diyaarad dagaal.

Diyaaraddan burburtay oo nooceedu yahay Mig 21a yaa ku dhacday nawaaxiga magaalada Biikaanar ee gobolka Raajistaan oo dhaca xuduud beenadka kala qeybiya Hindiya iyo Pakistaan.

Sarkaal u hadlay ciidamada milliteriga dowladda Hindiya ayaa xaqiijiyay in burburka diyaaradan, wuxuuna sheegay in iyadoo roondo caadi ah ku jirto uu soo wajahay cillad kedis ah, oo keentay iney durbo soo dhacdo.

Sarkaalka wuxuu intaa ku daray in duuliyihii diyaaradda uu badbaaday, islamarkaana dalaayadaha lagu boodo isagoo adeegsanaya uu si nabad ah ku yimid dhulka.

Dhawaan ayaa xiisad siyaasadeed waxay soo kala dhexgashey dowladaha Hindiya iyo Pakistaan, taas oo keentay in Pakistaan ay soo rido labo diyaaradood, gacantana ku dhigto mid kamid ah duuliyeyaasha, waxaana hadda muuqda in xaaladda labada dal ay degantahay, inkastoo weli la dareemayo jawi colaadeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.