Faafaahin: 70 Askari Maraykan ah oo ku dhintay Howlgal ka socda dalka Afqaanistaan.

Ciidamada Imaaarada islamiga ee Afqaanistan ayaa weli wada howlgal ballaaran oo aroornimadii hore ee maalintii shalay ku qaadeen saldhig weyn oo gobolka Helmand ku leeyihiin ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadankaas.

Saldhiga Shawaarib oo ah saldhig milliteri oo ay deganyihin guutooyin farabadan oo katirsan ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumaandooska xukuumadda Kaabul ayaa la kulmay weerar adag oo ay ku qaadeen naftood-huriyaal katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul ee jooga saldhiga ayaa la kulmaya toogasho wadareed ay geysanayaan ciidamada mujaahidiinta, waxaana tan iyo maalintii shalay la helayay warar horleh oo ku aadan khasaaraha gaaray Maraykanka iyo kaaliyaashiisa.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa howlgalkan weli socda lagu dilay 70 askari oo Maraykan ah, iyo inkabadan 100 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda taagta daran ee Kaabul, waxaana intaas kabadan waxyeellada maadiga.

Sodomeeyo gaari oo isugua jira noocyada kala duwan ee baabuurta militeriga ayay gubeen ciidamada imaarada islaamiga ee Afqaanistan ee weeraray saldhiga Shawarib oo ay Maraykanu ula baxeen “ Boston millitery camp”.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan Faafaahinta horudhac ah ee laga helayo howlgalka Shawaarib.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.