Faahfaahin Horudhac Ah oo Kasoo Baxaysa Weerarkii Madaxtooyada.

Faahfaahin horudhac ah ayaa laga helayaa weerarkii qaraxa ahaa ee maanta lala beegsaday Koontaroolka koowaad ee xarunta Madaxtooyada kaasoo ay geysatay Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirtay Dowladda federalka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helay ayaa waxay sheegayaan in weerarka ay ku dhinteen 15 isugu jira ilaalada iyo shaqaalaha Madaxtooyada. Gaadiid nooca gurmadka degdegga ah ayaa in muddo ah ku hawlanaa daabulidda meydadka iyo dhaawacyada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u culus. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Dhawaan madax ka tirsan DF ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab aysan weerari karin xarumaha dowladda balse ay weerareyso hotelada ay degaan xildhibaanada iyo diblumaasiyiinta.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo aaday xilli Sabtidii lasoo dhaafay ay Xarakada Al-Shabaab madaafiic ku weerartay isla halkan Madaxtooyada.

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Non kufriga la meeliyo
    Murtad yaanu nabad gali
    Mooryaan xasuuqdee
    Masaakiinta baadaa
    Waa cadaw magaagee
    Asna yaanu nabad mudan
    Muftiga diinki iibsaday
    Musuqmaasuqee dura
    Jihaad mooshin kiis galay
    Asna yaanu nabad mudan
    Maxfalada nasaarada
    Ku waa inagu maadsada
    Marna dura islaam kee
    Waligood macaac lena
    Waa miro ibliis dhalay
    Iyo muqani gaalee
    Ayana yaanay nabad mudan
    Murtad yaanu nabad mudan

Leave A Reply

Your email address will not be published.