Farmaajo oo Saraakiisha Ciidanka Ka Dhigay Wan La Isku Furto.(Dhagayso)
Madaxweynaha DF ayaa khudbad xassaasi ah u jeediyay saraakiisha hogaamisa ciidamada DF xilli uu jiro gadood ay sameeyeen ciidamo badan oo isaga soo tagay furimihii ay ka joogeen Sh/dhexe iyo Sh/hoose.
Khudbaddiisa ayaa u muuqatay mid siyaasadeysan oo saraakiisha dusha looga tuurayay fashilka ammaan ee heysta dowladda iyo fashilkii ku yimid ballan qaadkii Farmaajo ee ahaa inuu muddo laba sannadood ah uga adkaanayo Xarakada Al-Shabaab.
Si aan ka leex-leexad lahayn ayuu saraakiisha ugu sheegay in ay mas’uul ka yihiin sababta ay u dhaqan gali weysay hanjabaadiisii. “Is weydiiya labadii sano Shabaab maka xoreyseen dalka, maka xoreyseen, Ma is weydiiseen in aan ballantaas horay u laheyn, anaga dhankeena waa ka soo baxnay, wixii aad u baahneedeen inta karaankeena inaan fulinay, laakiin idinka iguma soo noqon, oo aadan oran waqtiga waa nagu yar yahay, qorshihii aan bedelno, waqti ayaa u baahanahay” sidaasi waxaa yiri’ Madaxweynaha DF.
Mudadii ay khudbaddu socotay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka ayaa ahaa kuwa ku qoslaya Madaxweynaha iyo dhaliisha uu iyaga usoo jeediyay. Isku soo wada duuboo dad badan ayaa durbadiisa khudbaddan ku macneeyay mid muujineysa in ay dowladdu gacanta ka taagatay dagaalka Al-Shabaab.
Halkan ka dhagyaso Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday ciidamadiisa.