Kaabul Waxay isku diyaarineysaa Soo dhaweynta Dhaalibaan.(Warbixin)

Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo xaaladda Afqaanistaan iyo isbedelka la filayo in dalkaas uu lugaha la galo.

Warbixin  ciwaan looga dhigay “Kabul waxay isku diyaarineysaa soo laabashada Dhaalibaan” ayaa wariyadda wargeyska Lo-figaro ee magaalada Kaabul waxay sheegtay in magaalada laga dareemayo jawi ka duwan kii hore, oo u muuqdo mid lagu soo dhaweynayo Dhaalibaan.

Waxay la hadashey qaar kamid ah dadka magaalada Kaabul, kuwaas oo sheegay iney rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uu magaalada kusuu laabto maamulkii imaarada islaamiga, kaas oo ay dadku ku heystaan cadaalad iyo horumar.

Muxamed, waa ganacsade iibiya qudaarta noocyadeeda kala duwan, wuxuu wargeyska Lo-figaaro u sheegay inuu u han weynayahay soo laabashada Dhaaliban, wuxuna yiri “markii Dhaaliban ay joogtay ma jirin wax dulmi ah, dhamaan dadku waxay u hogaansameyeen sharciga, khilaafaadkana ugu badnaan sadex maalin ayaa lagu xallin jiray, balse hadda khilaafka ugu yar xalkiisa wuxuu qaadanaya sadex sano, haddii aadan dhiibin wax laaluus ah ama uusa jirin xiriir kaala dhexeeya qof awood ku leh dowladda ma jirto wax kuu hagaagaya”.

Oday waayeel ah oo xilligaas maqlayay hadalka Muxamed ayaa yiri “ waa runtiisa, Dhaalibaan waa walaalaheena, waxaan dooneynaa in markale ay kala dambeyn kusoo celiyaan guud ahaan dalka”.

Wargeyska Lo-figaari ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa warbixinta uu daabacay wuxu ku sheegay in xukuumadda Kaabul ay ku guul darteysatay maamulka iyo maareynta, waxaana warbixinta lagu sheegay in magaalada inteeda badan lagu kala xiray dhagxaan waaweyn, dadkuna ay qaati ka taaganyihiin nolosha magaalada.

Wargeyska wuxuu intaa ku daray, in Donlad Trump madaxweynaha Maraykanka ay ka go’antahay in ciidamadiisu kala baxo Afqaanistaan, taasna ay keeni doonto in dalka intiisa kale ay gacanta ku dhigto Dhaalibaaan.

Imaarada islaamiga ayaa gacanta ku heysa kala bar masaaxada guud ee dalka Afqaanistaan, waxaana go’doon adag ku jira magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada ee ay kusoo hartay xukuumadda Kaabul.

Dadka reer Afqaanistaan ayaa u xukun taga maxaakiimta islaamiga ee ay hirgleisay Imaarada, maadama cadaalad iyo eex la’aan ay halkaas kajirto, waxaana 18 sano kadib dalka Afqaanistaan u muuqdaa mid markale si buuxda u marti gelin doono maamul islaami ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.