Kenya oo sheegtay iney kordheen dadkii kaga dhintay diyaaraddii Itoobiya.

Dad taagan goobta ay diyaaradda ku burburtay.

Diyaaradii tobankii bishan Marso ku burburtay hawada wadanka Itoobiya ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ahaa 32 Kenyaan ah, kuwaas oo diyaaradda ka raacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa.

War cusub oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay iney korortay tirada muwaadiniinteeda ee ku dhintay burburka diyaaradda, kadib markii la ogaaday in dhowr qof oo Kenyaan ah ay jiraan, kuwaas oo watay baasboorrada wadamo kale.

Ku xigeenka Safiirka Kenya ee Itoobiya ayaa sheegay iney ogaadeen in 4 ruux oo Kenyaati ah balse watay dhalashada wadamo kale ay kamid ahaayeen dadka ku dhintay burubrka diyaaradda Itoobiya, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee Kenyaatiga 36 qof.

Wuxuu sheegay ku xigeenka Safiirka Gearoge Orrina, iney diiwan geliyeen qoysas gaaraya 30, oo xubno kamid ah dadkood ay ku dhinteen diyaaradda Boeng 737 ee ku burburtay meel u dhow magaalada Adis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dheecaanka DNA-da ay ka qaadayaan dadka ay ehelladooda maqanyihiin, taas oo sahli karta in la isku raadiyo dadkooda ku dhintay burburka iyo iyaga, maadaama inta badan meydadka dadka ku dhintay burburka diyaaradda ay baaba’een.

157 ruux oo saarnaa diyaaradda Itoobiya Airline ayaa gebi ahaantooda dhintay, waxaana ay kasoo kala jeedaan wadamo badan oo katirsan caalamka, iyadoona tiro aad u badan oo kamid ahaa ay ahaayeen xubno iyo masuuliyiin katirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afirca.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.