Maamulka Yahuudda Oo doonaya inuu galaan gal ku yeesho Soomaaliya.
Yahuuda oo xoog ku heysta dhul ballaaran oo katirsan Filastiin ayaa wada olole ballaaran oo ay ku doonayaan iney xiriir kula yeeshaan wadama dhaca qaaradda Africa oo ay ku jirto Soomaaliya, oo ah wadan muhiim ah islamarkaana dhaca geeska Africa.
Mustahsriq Yahuudi ah, aadna u diraaseeya arimaha wadamada muslimiinta ayaa maqaal dheer oo uu qoray wuxuu ku sheegay iney socodaan dadaallo ballaaran oo Yahuudu ku doonayaan iney kula xiriiraan wadamada dhaca qaaradda Africa.
“Israa’iil waxay sii wadaa diblumaasiyadeeda ku wajahan qaaradda Africa, iyadoo eegeysa danaha ugu jira iney xiriir la sameyso qaar kamid ah dowladahaas oo ay ku jirto Soomaaliya” ayuu ku billaabay maqaalka uu qoray ninkan Yahuudiga ah oo lagu magacaabo Mooshi Tredman.
Maqaalka uu qoray wuxu kusoo hadal qaaday weerarkii weynaa ee bishii January ee sanadkan ka dhacay magaalada Nairoobi, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka jiro xarako Jihaadi ah oo aad u taageersan qadiyadda Filastiin.
“15-kii January weerar ka dhacay Nairoobi, waxaa lagu dilay tobanaan ruux oo uu ku jiro nin Yahuudi ah oo u dhashey Maraykanka, waxaana bayaan Al-Shabaab ay ku sheegatay howlgalkaas ay ku sheegtay inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Donald Trump uu Al-Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda” ayuu yiri Tredman oo ah maamulaha markaz wax ka qora arimaha Islaamka iyo Muslimiinta ee qaaradda Africa.
Wuxuu intaa ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay taageersantahay Filastiiniyiinta, iyadoo leh mawaaqif cad cad oo ka dhan ah Yahuudda, kamana gambato iney si cad u sheegto iney dooneyso in muqadasaatka Muslimiinta ay ka xureyso Yahuuda”.
Mooshi Tredman, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan labo dowladood oo kala ah Soomaaliya iyo Soomaali-land, balse Soomaali-land ay door bideyso in si muuqda ay xiriri toos ah ula sameyso Israa’iil, si taas bedelkeeda ay iyaduna uga hesho ictiraaf rasmi ah.
Isagoo sii hadlaya ayuu Tredman sheegay in dowladda federaalka ay la gudboontahay iney xiriir toos ah la yeelato maamulka Yahuudda oo uu sheegay inuu khabiir ku yahay la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay “argagaxisada”, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynihii hore ee dowladda Xasan Sheekh uu magaalada Nairoobi kulan kula yeeshey ra’iisul wasaraaha Yahuuda, inkastoo markii dambe ay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda ay beenisay.
Maqaalkan dheer ee uu qoray mustashriqan Yahuudiga ah, kana hadla arimaha Africa, ayuu ku sheegay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo culimada diinta islaamka ay yihiin dad neceb Yahuuda, taageerana u haya shacabka Filastiin, taas oo sii adkeyn karta in Israa’iil iyo dowladda Federaalka ay yeeshaan xiriir muuqda.
Inkastoo ay sidaas tahay, hadana wuxuu sheegay in Yahuudda ay ka go’antahay iyadoo kaashaneysa Sucuudiga oo mudooyinkii dambe xiriir soo dhawaansho kala dhexeeyay Yahuudda, in Soomaaliya lagu soo dalalka sida muuqata xiriirka ula yeelanaya maamulka dhul boobka ah ee Israa’iil.
Hadalka kasoo yeeray mushtaqrigan Yahuudiga ah ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan wakiilka dowladda federaalka u fadhiya Qaramada Midoobay uu ka aamusey kulan golaha xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ay ku yeesheen magaalada Jeneva, kaas oo 2 dowladood ay kaga soo horjeesteen hadalkii Trump ee ahaa in Yahuuda si toos ah loo siiyo buuraleyda Al-jowlaan ee wadanka Suuriya.