Maraykanka oo shacab ku dilay Afqaanistaan.
Ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan askar katirsan xukuumadda Kaabul ayaa weerar habeen guureyn ah ku qaaday deegaanno katirsan gobolka Meydaan-wardak ee Afqaanistaan, halkaas oo ay ku dileen dad shacab ah.
Weerarkan oo dhacay habeenkii xalay waxay ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Sayed Abaad oo dhaca bartamaha Meydan-wardak.
Ugu yaraan 9 ruux oo shacab ah, oo ay ku jiraan dumar iyo caruur ayay ciidamada Maraykanka si bareer ah u dileen, iyagoona markaas kadib ku laabtay diyaarado hellecopter ah oo ay kusoo duuleen.
Sarkaal katirsan xukuumadda Kaabul oo warbaahinta la hadlay, islamarkaana diiday in magaciisa la baahiyo ayaa sheegay iney howlgalkaas ku dileen dad shacab ah, balse Maraykanku dadkaas u arko iney katirsan yihiin Dhaalibaan.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa joogta ka ahaa wadanka Afqaanistaan weerarada xilliyada habeenkii ah ay ciidamada Maraykanka ku qaadaan deegaannada dadka shacabka ah, iyagoo markaas kadib warbaahinta ka sheegta iney beegsadeen rag katirsan Mujaahidiinta.
Soomaaliya oo ku suganyihiin ciidamo Maraykan ah ayaa Afqaanistaan la qabta weeraradan, waxaana dhowr jeer deegaannada wilaayaadka islaamiga ay marti geliyeen weeraro dhimasho iyo dhaawac u geystay dadka maatida ah oo ay dumar iyo caruur ku jiraan.