Muqaawamada iyo Yahuudda Oo Duqeymo Is dhaafsaday.
Xalay waxay Jiida Qazza u ahayd habeen dagaal iyo taxadar, waxaana diyaaradaha maamulka dhul boobka ah ee Yahuuda ay duqeymo aan loo meel dayin ka fuliyeen qeybo kala duwan oo kamid ah deegaannada Qazza.
Goobaha ay diyaaraduhu beegsadeen waxay isuga jireen guryo ay dad shacab ah deganyihiin iyo xarumo ay leedahay kooxda muqaawamada ee Filastiiniyiinta, waxaana inkastoo duqeymuhu ay xooganaayeen hadana jirin dad dhintay.
Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeeyey guriga madaxda maktabka Siyaasadda ee Xammaas Ismaaciil Haniyah, kaas oo ku yaala magaalada Qazza, waxaana gebi ahaanba dhulka lala simey guriga.
Meelaha ay sidoo kale duqeeyeen Yahuuda waxaa kamid ah xafiis shirkadeed oo ku yaala galbeedka Qazza, waxaana wasaaradda caafimaadka ee Xammaas ay shaaca ka qaaday in ugu yaraan 7 ruux ay ku dhaawacmeen guud ahaan duqeymaha ay Yahuudu geysteen.
Dhinac kale, kooxaha Muqaawamada ayaa jawaab adag ka bixiyay duqeymaha cadowtooyo ee Yahuuda, waxaana sawaariikhda Muqaawamada ay gaartay deegaanno ay xoog ku heystaan Yahuudda.
Ugu yaraan 30 saaruukh ayaa la sheegay in xalay oo keliya lagu tuuray dhinaca deegaannada ay xooga ku heystaan Yahuuda ee dhulka Filastiin, waxaana meelaha ay sawaariikhdu ku dheceen kamid ah Casqalaan iyo kuwa kale.
Bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Muqaawamada waxaa lagu sheegay in ay diyaar u yihiin iney deegaannada Yahuudu heystaan ku garaacaan gantaallo horleh, haddii diyaaradaha Yahuudu sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan Qazza.
Waxaa la arkayay iftiinka gantaallada Muqaawamadu tuureyso, iyo qalabyada digniinaha bixiya oo ka dhawaaqaya inta badan deegaannada xiga Qazza ee ay xooga lagu degaameeyay Yahuudda.
Xalay, dadka Yahuuda ah waxay ku hooydeen godad dhulka hoostiisa laga qoday oo loogu talagalay iney kaga gambadaan sawaariikhda muqaawamada, waxaana taasi muujineysaa argagaxa iyo dhibaatada ay xay la noolaadeen.
Waxaa jira warar ay warbaahintu tabinayaan, oo laga soo xigtay xarakada Xammaas, kaas oo ah in xabad joojin ay gar wadeen ka tahay maamulka Masaarida la dhex dhigay Muqaamada iyo Yahuudda.
Duqeymahan ay is dhaafsadeen Muqaawamada iyo Yahuuda ayaa yimid, ka gadaal markii maalintii shalay saaruukh laga tuuray Qazza uu ku dhacay deegaan hoosyimaada caasimadda Yahuudda ee Talla’biib, kaas oo ay ku dhaawacmeen todobo ruux, islamarkaana geystay burbur xoog leh.
Yahuuda ayaa Xammaas ku eedayay masuuliyadda saaruukhaas, balse Xammaas way beenisay, waxaana markaas kadib ay Yahuudu billaabeen hanjabaad iyo in diyaaradahooda wax duqeeya usoo diraan dhinaca Qazza.
Arintan waxay kusoo aadeysaa, xilli madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu buuraleyda Al-Jowlaan ee dhulka Filastiin uu u saxiixay maamulka Yahuudda, xilli wadanka Maraykanka uu ku suganyahaya ra’iisul wasaaraha maamulka Israa’iil bin Yamin Natanyahu.
Trump oo ku tilmaamay sawaariikhda ay Muqaawamadu ku garaacday dhulka ay Yahuudu xooga ku heysato, fal foolxun oo liita, ayaa sheegay in Al-jowlaan uu yahay dhul si rasmi ah u leeyihiin Yahuudda.
Saxiixa Trump, waxaa ka horyimid dowlado badan oo katirsan caalamka, balse dad badan waxay sheegayaan in go’aanka Trump u muuqdo mid meel mari doono, maadama ay jirin dowlad awood leh oo is hortaagi karta.
Donald Trump ayaa inta uu xilka hayo wuxuu doonayaa inuu Yahuuda ua saxiixo arimo badan, waxaana hadda uu meel dhexe marinayaa heshiis loogu magacdaray Safqatul Qarni oo lagu doonayo in reer Filastiin looga barakiciyo dhulkooda, laguna dejiyo jaziiradda Seynaa ee Masar, taas bedelkeedana dhulkooda si toos ah loogu wareejiyoYahuuda dhul boobka ah.
Horay ayuu Trump magaalada Al-Qudus wuxuu u aqoonsaday iney tahay caasimadda Yahuudda, iyadoona safaaradooda Talla’biib ka furteen halkaas, waxaana tallaabadan ku raacay dowlado dhowr ah.