Muslimiinta Ingiriiska oo la kulmaya tacadiyaad uga imaanaya Police-ka.

Wadanka Britin oo ay ku noolyihiin jaaliyado badan oo muslimiin ah, waxaa mudooyinkii dambe soo kordhayay dhibaatooyin iyo tacadiyaad joogta ah oo lagula kacayo dadka muslimiinta.

Dhibaatooyinkan waxaa ku kacaya ciidamada Police-ka wadanka iyo kooxo Gangestirro ah oo hubeysan, kuwaas oo qaabab dhagreysan u beegsanaya muslimiinta gaar ahaan kuwooda nugul sida dumarka iyo caruurta.

Muuqaal dhawaan ku baahay baraha bulshada ee Internetka ayaa lagu arkayaa askar dhowr ah oo katirsan ciidamada Police-ka Ingiriiska oo garaacaya nin Muslim ah oo sida muuqata kusugan gurigiisa, waxaana falkaas dulmiga ah fulinaya ugu yaraan 3 askari.

Ilbiriqsiyo kadib markii ay garaacista iyo xadgudubka wadeen ayay dareemeen ciidamada in la duubayo, iyagoona markaas kadib soo xirtay qolka ay ku tacdiibinayaan ninka muslimka ah.

Muslimiinta Ingiriiska oo ka carooday tallaabadan ayaa sheegay iney soo badaneyso falalka ay ciidamada Police-ku ku beegsanayaan dadka muslimiinta ah, iyagoo aan lagu soo oogin wax dembi ah.

Police-ka dalka Ingiriiska ayaa si loo dejiyo carada muslimiinta wuxuu sheegay iney wadaan baaritaanno lagu ogaanayo askarta Police-ka ah ee kasoo muuqday Vedio-ga iyagoo sida xun u garaacaya qofka muslimka ah.

Qaar kamid ah muslimiinta Ingiriiska ku nool ee isticmaala baraha bulshada ayaa hadalka Police-ka ku tilmaamay mid been ah oo aan waxba ka jirin, laguna doonayo in lagu raad tiro xad gudubkan ay ku kaceen askarta.

Dhibaatada ay la kulmayaan muslimiinta ku nool dalkaas kama timaado Police-ka oo keliya, waxaa jira kooxo loo yaqaano gaangastarro wadooyinka dhooban, kuwaas oo si gaar ah u beegsanaya dadka muslimiinta ah.

Kooxahan ayaa si gaar ah u beegsada gabdhaha muslimaadka ah, iyagoo isku daya iney xoog uga siibaan xijaabka iyo Indha shareerka ay wataan.

Waxay sidoo kale si xun u dilaan caruurta muslimiinta ee waxkabarta iskuullada ama soo aada Masaajidda, waxaana dadka dhibaatooyinkaas la kulmay kamid ah qoysas Soomaliyeed oo in muda ah degan wadanka Ingiriiska.

Inkastoo dowladda Ingiriiska ay sheegato xurriyada diimeed iyo in qofku aamino wuxuu jecelyahay, hadana waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu badan ee sida adag loogu xadgudbo dadka muslimiinta ah.

Waxaa lamid ah dalka Maraykanka, kaas oo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Muslimiintu ay yihiin dadka ugu badan ee la kulma midab takoorka iyo cunsuriyadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.