Qarax Shisheeyaha Lagula eegtay gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamo katirsan Shisheeyaha Burundi ayaa qarax culus waxaa lagula eegtay gobolka Shabeellaha dhexe oo kamid ah gobollada ay ku suganyihiin cidamada Shisheeyaha ee isku magacaabay AMISOM.
Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa haleelay gaari nooca TAW-ga ah oo kamid ahaa gawaarida ay wateen ciidamada Burundi.
Gebi ahaanba gaariga ayaa goobta ku burburay, waxaan khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada uu qaraxu haleelay.
Shisheeyaha ayaa marka ay isaga kala gudbayaan deegaannada ay ka joogaan gobollada Soomaaliya waxay la kulmaan weeraro ba’an oo isuga jira kuwa toos ah iyo qaraxyo waaweyn, taasna waxay soo dedejisay iney qaataan go’aan ah iney dhimaan ciidamadooda jooga Soomaaliya.