Rag Basaas ahaa Oo lagu toogtay Fagaare ku yaala Jubbooyinka.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa xukun xaddu Riddo ah waxay ku riday ugu yaraan 4 ruux oo rag ah, kuwaas oo lagu eedayay iney basaas u ahaayeen sirdoonka dowladda  federaalka, ciidamada Jabuuti, iyo hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Magacyada ragga basaasnimada lagu eedayay waxay kala yihiin:-

1-Aweys Ismaaciil Aadan, oo 25 jir ah, wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.

2-Cilmi Warsame Cumar, oo 22 jir, wuxuu u shaqenayay hay’ad Ingiriis ah oo lagu magacaabo PSU, taas oo xarun dhaqan celin lagu sheegay ku lahayd magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isagoo shaqadaas ku jira ayaa lagu amray inuu aado wilaayaadka islaamiga, islamarkaana soo gudbiyo macluumaad la xiriira saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

3-Cumar Cabdullaahi Cabdi, waa 28 jir, wuxuu todobo bilood oo xiriir ah u shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

4-Maxamuud Abuukar Xaaji, oo 25 jir ah,  wuxuu isna u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaanka Kamsuuma ee Jubbooyinka wuxuu  kaga dhawaaqay xukunka raggan, waxaana fagaaraha isugu yimid daweyne oo aad u badan oo daawanayay xukunka.

Halkan ka dhagayso Qaadiga oo xukunka ku dhawaaqaya

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.