Rag Basaasnimo Lagu Eedeeyay oo Lagu Dilay Gobolka Bay.
Boqolaal ka mid ah bulashada ku dhaqan deegaanka Yaaq-baraawe ee gobolka Baay ayaa fagaare ku yaala deegaankaas waxay ku daawadeen xukun xad ah oo lagu fuliyay shan ruux oo lagu eedeeyay basaasnimo.
Xukunka oo lagu fuliyay illaa dhan qof ayaa waxa uu shalay galab ka dhacay degaanka Yaaq Baraawe. Raggan ayaa markii ay maxkamadda ka qirteen eeda loo jeediyay ayaa waxa uu qaadigu si rasmi ah ugu dhawaaqay in xukunkoodu yahay dil toogasho ah halkii ayaana lagu dilay.
Magacyada shantooda ayaa waxay kala yihiin sida tan: Aadan Muuday Maxamad, Ayuub Xasan Maxamad, Maxamed Isxaaq Xasan, Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq. Ma ahan markii ugu horreysan oo uu xukun noocan ah ka dhoco Wilaayada Bay iyo Bakool.
Mareykanka iyo dowladaha kale ee kusoo duulay wadanka ayaa waxay siyaasiyiintu sheegaan ineysan shaqeyn karin jawaasiis la’aan, waxaana ay Xarakada Al-Shabaab u muuqataa mid xoogga saartay sidii ay u ga hor tagi lahayd ama u fashilin lahayd basaasiinta ay qortaan shisheeyaha.