Kheyrre Oo Labo Farood U Taagay Bulshada Muqdisho Iyo Jawaab Laga Bixiyay. (Dhagayso)
Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyrre oo ka hadlayay weerarkii Makka Al-mukarrama, isagoo caro xoogan ay ka muuqato ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku amray inaaney dhexdhexaad ka noqon karin dagaalka ay isaga soo horjeedaan Xarakada Al-Shabaab iyo dowladda federaalka.
Wuxuu sheegay iney muhiim tahay in shacabku isgarab taagaan dowladda isagoo ku hal qabsanayay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee hotelka Maka Al-mukarrama.
Qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo ka jawaabayay hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaaney jirin wax dowladda lagu taageero marba haddii ay dekedihii wadanka shisheeye siiyeen, canshuurta ay bulshada ka qaataanna aaney waxba ugu qaban dhanka kalana wadooyinka ka xirteen.
Hadalka ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ayay ku tilmaameen inuu la mid yahay hadal uu 18 sano kahor yiri madaxweynihii Maraykanka Bush, kaas oo umadda muslimka ah u taagay labo farood oo ah iney garab istaagaan duulaanka Maraykanka ama ay ku biiraan “argagixisada” oo ay ula jeedaan muslimiintii dagaalka kula jirtay.
Halkan ka dhagayso hadalka Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre.
Halkan ka dhagayso Dadweynaha Soomaaliyeed oo ka jawaabaya hadalka Ra’iisul wasaaraha.
Asc waa maxamed maxamuud jooga puntland hadalka resulwasaraha kasoo yooray waa hadal uu meel uwaayay waxayna umuuqataa inuu fashilmay
Ladagaalanka mujaahidiinta