Reer Faxfaxdhuun oo ka hadlay Isbedelka uu galay deegaankooda, kadib ka bixitaankii ciidamada Kenya.

Iyadoo Ciidamada Kenya ay isaga baxeen maalintii shalay deegaanka istiraatiijiga ah ee Faxfaxdhuun ayaa shacabka halkaas degan waxay ka hadleen dareenkooda farxadeed ee ku aadan arinkaas.

Odoyaal dhowr ah oo kamid ah waxgaradka Faxfaxdhuun oo la hadlay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa sheegay iney aad ugu farxeen xurnimada ay gaareen, kadib markii ay isaga baxeen deegaankooda ciidamada Kenya.

Dadkan la hadlay idaacadda Al-Furqaan waxay sheegeen in hadda magaaladu ay kusoo laabteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, loona qabtay muxaadaro diini ah.

Waxay dib u gocodeen dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ciidamada Kenyaatigu ka geysteen Faxfaxdhuun, sideedii sano ee lasoo dhaafay ee ay xooga ku heysteen deegaanka.

Halkan ka dhagayso Codadka dadweynaha Faxfaxdhuun oo ka hadlay isbedelka ka dhacay Faxfaxdhuun.

 

You might also like
1 Comment
  1. Mumin says

    Magaloyinka ee kabaxan waxay uga tagan sirdon ama waxay uga dan leyihin inay noqoto magaladasi bartil mamed ciidan ku markay isi soo urur sadan lagu duqeyo. Ciidan yar mahane inta kale cidanka xogisu wa inu banan ka kajoga.

Leave A Reply

Your email address will not be published.