Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda Oo Bakool lagu dilay.

Wararka ka imaanaya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dileen sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed oo u dhow magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaal kooban kadib, waxaa goobta ka cararay ciidamada Koonfur galbeed, iyadoona goobta la dhigay meydka taliye saddex xidigle ah oo katirsan saraakiisha sida dhow ula shaqeynayay ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah gobolkaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii wada howlgalladeeda ay ku beegsaneyso Shisheeyaha iyo kuwa la shaqeeya sida dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.