Shirar Looga Arrinsanayay Masiirka Mukhtaar Roobow oo Ka Dhacay Nairobi.

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa todobaadkan ka dhacay shirar sadax geesood ahaa oo looga arrinsanayay xariga Mukhtaar Roobow iyo sida uu noqon karo aayihiisa dame. Shirarkan ayaa waxay yimaadeen kadib markii xubno ka tirsan maamulka Koofur galbeed oo taageersan Roobow ay culeys saareen C/casiis Lafta gareen oo ah hogaamiyaha maamulkaas.
Lafta Gareen ayaa ku khasbanaaday inuu farriin u diro safaaradda Mareykanka iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, waxaana xog hoose ay sheegeysaa iney ku gacan seyreen iney Baydhabo yimaadaan taa badalkeedana waxay ka dalbadeen inuu isagu Nairobi yimaado.
Intaasi kadib, waxaa uu u safray Kenya isagoo hogaaminaya qaar kamid ah wasiiradiisa, waxaana usbuucan caasimadda dalkaasu ku qabsoomay shirar u dhaxeeyay DF, Maamulka K/Galbeed iyo Beesha caalamka.
DF ayaa waxaa shirka ku matalayay Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyrre oo khadka Telefoonka uga soo qeyb qaatay isagoo ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay Roobow iyo waxa ay beesha caalamka ku heysato iyo sida xal looga gaari karo.
Qof shirka goob joog ahaa oo aan ogoleyn in toos loo cayimo ayaa sheegay in Kheyrre uu sheegay in cidda Roobow ku dhaggan ay tahay dowladda Mareykanka, haddii ay cafiso-na ay xukuumaddiisa diyaar u tahay in lasii daayo.
Saraakiil Mareykan ah oo xaadir ahaa shirka ayaa waxay geestooda sheegeen in Roobow lagu heysto wax yaabo badan oo ay kamid yihiin iney wali kasii muuqanayaan astaamo argagixiso iyo inuu yahay nin xil jecel oo madax adag.
Shirka ayaa waxa kale oo ka hadlay qabqablayaal la socday Lafta gareen, waxay dalbadeen in mag dhow laga bixiyo shacabkii ay Xabashidu ku gumaaday magaalada Badhabo iyagoo dhanka kale codsaday in lasii daayo Roobow oo xiran muddo ku dhow afar bilood.
Ugu dambeyntii waxaa lasoo warinayaa iney jiraan qodobo la isla afgartay iyo kuwa la isku fahmi waayay oo ku saabsan arrinta Mukhtaar Roobow. Roobow ayaa waxaa la xiray bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay markii uu caashaqay kursiga Madaxtinimada ee koofur galbeed oo xilligaasi loo diyaar garoobayay in loo tartamo.
Hadda wuxuu ku xiran yahay xabsi ay Sirdoonka dowladdu leeyihiin oo ku yaalla guriga Habar Khadiijo. Dad badan ayaa aamisan inuu waqti aad u kooban ku lumiyay sumcad iyo ixtiraam uu ku dhex lahaa bulshada markii uu ka dhex siibtay raggii ay halganka ku wada jireen kana soo jeestay dhinacyadii uu halganka kula jiray islamarkaana u yaqiinay shisheeyaha iyo daba dhilifyada.