Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Oo dhawac halis ah.

Askari katirsan Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiya casta ayaa dhaawac adag gaarsiiyay taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada ninka lagu magacaabo Cabdi-fataax Dabagaale.

Taliyaha iyo Askariga ayaa waxaa soo kala dhexgalay muran xoogan oo salka ku hayay lacago uu askarigu sheegtay inuu xaq u leeyahay, waxaana ugu dambeyn murankii oo batay uu keenay in Askarigu rasaas ku furo taliyaha.

Taliyaha ilaalada ciidamada madaxtooyada oo ah ciidanka suga amniga madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo ayaa goobta lagala cararay isagoo dhaawac halis ah qaba, waxaana jawiga afaafka madaxtooyada uu noqday mid cakiran.

Ciidamada dowladda iyo saraakiishooda ayaa inta badan waxaa dhex taalla kalsooni darro, saraakiishana waxay lunsadaan mushaaraadka ciidamada ee mar mar la helo, taasna waxay keeneysaa in dhexdooda ay is rasaaseeyaan, mararka qaarna is dilaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.