Wadooyinka Muqdisho Oo xiran.

Waxaa gebi ahaanba saaka xiran wadooyinka waaweyn ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo lasoo dhoobay ciidamo aad u hubeysan.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay ciidamo katirsan dowladda oo taagan wadooyinka waaweyn iyo jid cadayaasha muhiimka ah, kuwaas oo gaadiidka dadweynaha u diidaya iney isticmaalaan wadooyinkaas.

Ciidamada dowladda ayaa laga dareemayaa feejignaan iyo cabsi baaxad leh, waxaana ay qoriga ku fiiqayaan cid weliba oo usoo dhawaato goobaha ay taaganyihiin.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa la arkayaa iyagoo lugeynaya, islamarkaana isticmaalaya wadooyinka yar yar ee xaafadaha.

Waxaa jiray kumanaan dad ah oo saaka aadi laha howlahooda kala duwan, sida waxbarashada, ganacsiga iyo arimo kale, waxaana dhamaan dadkaas ay la kulmayaan caqabad xoogan, maadaama degmooyinka gobolka Banaadir ay yihiin kuwa ballaaran oo kala fog.

Xiritaanka wadooyinka Muqdisho waxaa la sheegayaa in sababta ugu weyn ay tahay aaska maanta la filayo in loo sameeyo wasiirkii dastuurka dowladda Cabdi Xoosh Jibriil kaas oo dhawaan ku dhintay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa la xiraa marka ay soo degayaan ama ay duulayaan madaxda Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.