Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo lagu dilay Weerarka Labada Wasaaradood.

Howlgalka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xarumaah wasaaradaha Shaqada & Shaqaalaha iyo Howlaha guud ayaa waxaa ka dhashey khasaare nafeed oo isaga jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ah wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda federaalka Saqar Ibraahim, ahaana Xillibaan katirsan baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka marka laga soo tago waxaa jira tobaneeyo Askar iyo Saraakiil isuga jira oo ku dhintay weerarka ay mas’uuliyadiisu sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa ka tacsiyeysay xubnaha uga dhintay weerarka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday xarumaha laba wasaaradood oo katirsan dowladda federaalka, waxaana ra’iisul wasaaraha dowladda uu sheegay inuu ka xunyahay wixii dhacay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.