Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Aljeeriya Oo is casilay.

Iyadoo weli banaanbaxyada ka dhanka ah xukuumadda uu hogaamiyo Cabdil-caziiz Butafaliqa, madaxweynaha wadanka Aljeeriya ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxaa muuqanaya isbedel hor leh oo ay arintan lugaha lasii geleyso.

Labo Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka wadankaas, midkoodna uu horey usoo nqoday wasiir ayaa ku dhawaaqay iney is casileen, sababo ku aadan iyagoo cabasho ka ah musharaxnimada markii shanaad uu madaxweynaha wadankaas ku doonayo inuu qabto jagada madaxweyninimada.

Sayid Axmed Faruukhi oo horey usoo noqday wasiirkii beeraha, haddana ahaa xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay jagadii uu ku hayay baarlamaanka, iyo xitaa xubuninimada xisbiga talada haya.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Khaalid Tazaqarad ayaa isagana sheegay inuu is casilay, kana ka raja beeley isku dayo uu ku doonayay inuu wax ku hagaajiyo (waa sida uu hadalka u dhigaye) wuxuuna intaa ku daray inuu kamid noqon doono dadka wada bananabaxyada.

Bananabaxyada wadanka ka socda oo markii hore ay soo billaabeen ardeyda Jamaacadaha iyo kuwa madaarista ayaa hadda wuxuu noqday banaanbax weyn oo ay ka qeybgalayaan qeybaha bulshada, waxaana tirada ka qeybgalayay lagu qiyaasayaa boqolaal kun oo ruux.

Waxay kasoo hor jeedaan musharaxnimada markii shanaad uu madaxweynaha Aljeeriya ku doonayo inuu kaga qeybgalo doorashooyinka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.