Xog Uruurin: Inta badan Shacabka Kenya kuma kalsoona madaxweyne Uhuru Kenyata.

Natiijo kasoo baxday afti uruurin laga sameeyay wadanka Kenya ayaa muujineysa in inta badan shacabka Kenya aaney ku kalsooneyn madaxweyne Uhuru Kenyata oo sanooyinkii u dambeeyay ay soo badanayeen dadka kasoo hor jeeda.
Afti uruurintan oo loogu magacdaray “ Sowti wa nananshi” ayaa natiijadeeda waxaa lagu dhawaaqay maalintii Jimcaha ahayd, waxayna banaanka soo dhigtay in 82% shacabka Kenya ay aaminsanyihiin in Kenyata aanu ku guuleysanin la dagaalanka musuqmaasuqa hareeyay wadankaas.
Sababta ugu weyn ee shacabka Kenya ku riixeysa aragtidan ayaa aftida waxaa lagu sheegay iney tahay kalsooni darro ay ku qabaan madaxdooda, waxaana 40% dadka ka qeyb galay aftidan ay aaminsanyihiin in madaxda dowladda Kenya ay yihiin kuwa musuqmaasuq badan.
Dowladda Kenya ayaa sii deysay masuuliyiin badan oo loo heystay kiisas musuq maasuq ah, waana arinta keentay in shacabka Kenyaatiga ay rajo beel ka muujiyaan ballanqaadyada dowladda ee ah la dagaalanka musuq-maasuqa.
15% shacabka Kenya waxay rumeysanyihiin in Uhuru Kenyata laftigiisa uu dhiirageliyo musuqmaasuqa, waxayna is weydiiyeen sida ay suuragal ku tahay inuu marka la dagaallamo musuq-maasuqa.
Inkastoo dowladda Kenya ay shaaca ka qaaday la dagaalanka musuq-maasuqa, hadana weli ma qaadin tallaabooyin muuqda oo ay ku qanci karaan shacabka, waxaana taas bedelkeeda Kenya lagu tiriyaa wadamada ugu masuq-maasuqa badan aduunka.
Madaxweyne Uhuru ayaa ku qasbanaaday inuu shaqada ka eryo wasiiro badan oo magacyadooda lagu daray liiska ceebta ee lagu faafiyo magacyada dadka ugu musuqmaasuqa badan aduunka.
Dhalinyarada wadanka Kenya ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan, taas oo ku qasabtay iney isticmaalaan drugs-ka, kuna kacaan falal dembiyeedyo ka dhan ah dastuurka wadanka Kenya.
Miisaaniyadda ugu badan ee dowladda Kenya ayaa siyaasiyiinta waxay sheegayaan in lagu bixiyo dagaalka, iyadoona ay hoos u dheceen dadka usoo dalxiisa taga Kenya, arinkaas oo hoos u dhigay dhaqaalaha dalka, maadaama dalxiisku yahay isha ugu weyn ee ay ku tiirsaneyd dowladda Kenya.
Kenya waxay kamid tahay dowladaha kusoo duulay Soomaaliya, waxaana ay muwaadiniinteedu goor dambe garteen in galitaankooda Soomaaliya aaney dan ugu jirin kadib markii gudaha dalkooda uu noqday aag dagaal, dhaqaalahoodiina uu hoos u dhacay.