Xukun dil ah oo lagu fuliyay Ciidamo katirsan dowladda.

Maxkamadda wilaayada islaamiga ee Hiiraan ayaa xukun dil ah waxay ku riday Askar katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen iyagoo nool.

Labo askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa lasoo taagay maxkamadda islaamiga ee Hiiraan, waxaana lagu kala magacaaba Cali Salaad Cabdi-Cali oo 21 jir iyo Maxamad Xuseen Xassan oo 25 sano jir.

Maxkamadda ayay ka hor qirteen inay kamidd ahaayeen ciidamada dowladda gaar ahaan guutada 22-aad ee ka howgalaysay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Iyagoo 37 qof ah ayaa diyaarad waxay kasoo qaaday Muqdisho, waxayna keentay Baladweyne, iyadoona markaas kadib ay qaateen tababar kooban.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ee wilaayada Hiiraan ayaa sheegay iney qirteen kamid ahaanshaha ciidamada dowladda, islamarkaana ay muteysteen “xukun xaddu riddo ah”, taasna ay keentay in la dilo.

Fagaaraha Buq-aqbale ayaa lagu toogtay labadan askari, waxaana goobjoog ahaa boqollaal kamid ah dadka deegaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.