10 Su’aal oo ay tahay inuu ka jawaabo Ra’iisul wasaare Kheyre.(Dhagayso)

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyr ayaa Isniintii la soo dhaafay gaaray magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono madax ka tirsan dowladda Mareykanka iyo masuuliyiinta Bankiga aduunka.

Socdaalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo marxalad adag ay mareyso dowladda uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo , islamarkaana ay ku xoogeysteen caqabado dhowr ah oo ay ugu horeyso weerarada Mujaahidiinta oo sii xoogeystay, ciidamada Shisheeyaha oo dib kaga guranaya qaar ka mid ah magaalooyinkii ay horay u qabsadeen, iyo howlgalka isbaheysiga AMISOM oo sii nuxuusaya lana filayo in la soo afjaro sanadaha soo socda.

Wargeys lagu magacaabo Washington Ig-Zaaminer oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa soo daabacay warbixin dheer oo uu kaga faaloonaya booqashada uu ra’iisul wasaare Kheyre ku tagay magaalada Washington.

Wargeyska ayaa tibaaxay in wakhti isbaheysiga midowga Africa uu sheegayo inuu gabagabo marayo howlgalkooda, hadana aanan kalsooni dhameystiran lagu qabin in Xukuumada Farmaajo ay hanan karto awoodda maamul ee wadanka haddii ay baxaan ciidamada shisheeyaha.

Wargeyska ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay dhawaan isaga baxeen deegaano dhowr ah oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow caasimada, islamarkaana ay goobahaas durbaba la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Intaas waxaa sii dheer buu yiri ciidamada amniga oo aan awood u lahayn inay ka hortagaan weerarada Xarakada Al-Shabaab xitaa kuwa ka dhacaya bartamaha caasimada iyo afaafka madaxtooyada.

Xassan Cali kheyre ayaa la filayaa inuu la kumo madax ka socota hay’adda lacagta dunida, Bankiga Aduunka, xubno ka tirsan Congresska iyo wazaarada arimaha dibadda Mareykanka si uu kaga soo helo kaalmo uu u doonayo dowladiisa taagta daran balse wargeyska Washington Ig-Zaaminer ayaa soo bandhigayaa ilaa 10 su’aalood oo ay tahay in la weydiiyo Kheyre ka hor inta aanan la siinin taageerada iyo gurmadka uu ka doonayo Mareykanka iyo waxa loogu yeero beesha caalamka.

Su’aasha ugu horeyso ee uu soo bandhigay wargeyska ayaa ah halka lagu bixiyo lacagaha fara badan ee kaalmo ahaanta loo siiyo dowladda, waxaana uu tilmaamay in Mareykanka oo kaliya uu dowladda Farmaajo siiyo lacag gaareyso ilaa 900 oo milyan oo dollar, halka beesha caalamkana uu tilmaamay in laga helo lacag intaas ka sii badan. Wuxuu wargeysku leeyahay “ waa in ra’isul wazaaraha la weydiiyaa ma jiraan wax hormar ah oo ay soo kordhisay lacagtaas haddii ay tahay amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo awoodda maamulka.

Su’aasha xigta ee uu soo bandhigay waregyska ayaa ah waa muxuu yahay qorshaha lagu doonayo in meesha looga saaro musuq maasuqa, wuxuu leeyahay Soomaaliya in ka badan 10 sano waxay kaalmaha ugu horeeya kaga jirtay liiska wadamada ugu musuq maasuqa badan, sidaas darteed waa maxay sababta Mareykanka iyo hay’adaha caalamiga ay lacag xoogan ugu bixinayaan dowlad la ogaaday inay ka musuq maasuq badantahay Venezuela, Afghanistan, iyo waqooyiga Kuuriya, maxayse dowladda hadda ka jirta ka qabatay musuq-maasuqa, imise waziir ama kaaliye ayaadse u ceyrisay musuq-maasuq dartii ilaa hadda?

Su’aasha kale ee uu soo bandhigay wargeyska ayaa ah muxuu had iyo jeer safar ugu jiraan madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo, wuxuuna wargeysku leeyahay: Farmaajo ayaa la wareegay talada wadanka isagoo aad u cambaareynaya safarada dibadda ee madaxda dowladda oo aad u badan, halkii uu ka gedisnaan lahaa madaxdii uu cambaareynayey, kuna nagaan lahaa magaalada Muqdisho, wuxuu Farmaajo noqday madaxweynihii ugu safarka badnaa, isagoo isaga dakeynaya duulimaatyada raaxada ee gaarka ah, iskana wareegaya wakhti uu wadankiisu amni xumo la gilgilanayo. Waa in la weydiiyaa muxuu Farmaajo ka raadiyaa dibadaha, howshaasina miyeysan ahayn shaqada wazaarada arimaha dibadda.

Su’aasha kale oo ah mid ku saabsan arimaha amniga ayaa u dhaceysay: Soomaaliya ma bad-baadi doonta haddii ay baxaan ciidamada AMISOM, waxaana uu wargeysku tibaaxayaa in ujeedka howlgalka loo igmaday AMISOM uusan ahayn kaliya la dagaalanka Mujaahidiinta , balse uu sidoo kale ka mid ahaa inay fursad hesho dowladda rsi ay dib ugu dhisto ciidankeeda, laakiin ciidanku weli waa kuwo ka cabanaya mushaar la’aan, haddii hadda cutubyada ciidamada AMISOM ay afka saaraan dhulkii ay ka yimaadeen, waxay ka dhigan tahay in wadankaas laga tagay isagoo aanan lahayn ciidan shaqeeya oo awood leh. Sidaas darteed waa in kheyre la weydiiyaa: yaa qaadaya eedda ku takrifalka mushaarka ciidanka, mase fileysaa in ay dowladaadu iska caabin karto Xarakada Al-Shabaab haddii ciidankaagu uu gadoodsan yahay oo uusan dooneyn inuu dagaalamo.

Su’aasha kale ee uusoo bandhigay wargeyska Washington Eximener oo ku qotameysa masaalixda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iyaduna u dhaceysay: Haddii aad dooneysaan taageerada Mareykanka, Maxaad Shiinaha uga iibsateen Leysanada Kulluunka Soomaaliya, wuxuuna wargeysku yiri, waa in Xasan Cali Kheyre lagu yiraahdo, waxaad joogtaa Washington adigoo naga dalbanaya taageero dheeraad ah, hadana dowladaada waxay Shiinaha ka iibisay Leysano u sharciyeynaya inay gurtaan Kalluunka Soomaaliya.

Qeybaha dambe ee su’aalaha uu soo bandhigey wargeyska ee uu doonayo in madaxda Mareykanka ay weydiiyaan ra’isul wazaaraha dowladda federaalka Xaasan Cali kheyre ayaa gaarayey ilaa 10 su’aalood, waxayna su’aalaha ugu dambeeya ay u badnaayeen kuwo ku saabsan awoodda ay Soomaaliya ka raadinayaan dowladaha kale ee uu Mareykanka u arko inay halis ku yihiin awoodiisa bariga Africa sida Shiinaha iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale uu wargeysku sheegay inay muhiim tahay in Kheyre la weydiiyo sababta ay maxkamada caalamiga uga dalbadeen inay dhexdhexaadiso doodda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan biyaha labada wadan, iyagoo aanan amar iyo go’aan ka sugin dowladda Mareykanka, taas oo ahayd caalamad kale oo markale banaanka soo dhigtay in dowladda Farmaajo ay ka amar qaadato dowladda Maraykanka, oo uu heysto dhalashadeeda, halka ra’iisul wasaarahana uu heysto dhalashada dalka Norway.

Halkan ka dhagayso  Warbixinta Wargeyska uu ka qoray booqashada Kheyre ee Maraykanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.