156 Ruux oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Sri Lanka.
Silsilado Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay wadanka Sri Lanka, xilli ay dalka ka dhacayeen dabaal degyo ay dhiganayeen dadka gaalada ah.
3 Qarax oo culus ayaa lala beegsaday kaniisado ku yaala magaalada Kolombo ee caasimadda Sri Lanka, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh.
Sidoo kale 3 weerar ayaa lala beegsaday hotello ku yaala gudaha caasimadda iyo daafaheeda, waxaana inta hadda la xaqiijiyay ay dhimashadu gaareysaa 156 ruux, oo labaatameeyo kamid ah ay Ajaanib yihiin.
Gawaarida Umblucta ayaa daad gureynaya dadka dhaawacyda qaba, kuwaas oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada caasimadda ah, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Meelaha la weeraray waxaa kamid ah maqaayad ku taalla nawaaxiga guriga ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan hal ruux.
Dalka Sri Lanka oo dhaca qaaradda ASIA, derisna la ah wadanka Hindiya ayaa waxaa intiisa badan ku nool dad buudiyiin ah, halka ay jiraan dad tiro yar oo Muslimiin iyo Nasaaro ah.