Al-Qaacida Oo War kasoo saartay Maxaabiistii Lagu dilay Xarameynka.

Mid kamid ah xabsiyada Aala-sucuud.

Hogaanka sare ee mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiratul-carab ayaa ka hadlay tallaabadii dhawaan maamulka Aala-sucuud uu ku laayay inkabadan 30 maxbuus oo sanadihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiyada maamulkaas.

Bayaan uu ku saxiixanayahy hogaanka jamaacada, islamarkaana ay baahisay mu’assasada Al-malaaxim ayaa lagu diray fariimo goodis ah oo ku socda qoyska Aala-sucuud ee gacanta ku haya dhulka Xarameynka.

“Iyadoo qeyb ka silsiladaha jariimooyinka ee ay ku kaceyso xukuumadda sharta iyo Nifaaqa ee Aala-sucuud, si ay u raalli geliso reer galbeedka saliibiga ah, ayaan warbaahinta ka aragnay jariimo kale oo cusub oo loo geystay dhalinyarada ugu kheyrka badan ee Ahlu sunnaha eek u xirnaa xabsiyada, kana mid ah dadka mujaahidiinta ee dhulka Xarameynka” ayaa lagu yiri horudhaca bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Alqaacidada Jaziiratul carab.

Bayaanka waxaa si gaar ah loogu soo hadal qaaday boqorka Aala-sucuud Salmaan iyo dhaxalsugihiisa oo ah wiil uu isagu dhalay laguna magacaabo Muxamad bin Salmaan, waxaana lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadanayaan ay ku doonayaan keliya iney ku raalli geliyaan Maraykanka.

“ Salmaan iyo wiilkiisa fud-fudud, kuma raalli noqon maalka faraha badan ee ay ka boobeen hantida muslimiinta, iyagoo raadinaya raalli ahaanshaha Maraykanka, sidoo kalena kuma qancin xasuqii dhowr sano kahor ay u geysteen qaar kamid ah wiilasha umadda, illaa maanta ay markale gumaadeen rag sare oo katirsan wilaasha umadda, iyagoo raalli gelinaya Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiratul carab, loogana hadlay dadkii dhawaan maamulka Aala-sucuud uu ku xasuuqey Xarameynka.

Mar uu bayaanka soo hadal qaaday ragga uu xasuuqey maamulka Aala-sucuud ayuu ku tilmaamay iney ahaayeen rag wanaagsan oo naftooda u huray iney sharaf iyo cizzi ku noolaato umadooda.

“Ragaas shuhadada ah waxaan ku tirineynaa iney kamid ahaayeen wiilasha umadda iyo dhalinyaradeeda kuwa ugu wanaagsan, waxay naftooda iyo wax weliba oo qaali ah u hureen sidii ay ugu hiilin lahaayeen diintooda iyo qadiyadaha umadooda. Waxay sidoo kale wax weliba oo qaali ah ku bixiiyeen sidii lagu cizzeyn lahaa muslimiinta meel weliba oo ay joogaan, raalli kuma nqoon in umadooda oo dhibaateysan ay iyagu ku jiraan nolol raaxo leh, naftooda kama jeclaan nafta umadooda, umana aaba yeelin iney iney kuleylka dhadhamiyaan iyagoo difaacaya umada. Si lamid ah sida iyagaba loo dilay iaygoo difaacya umadooda, waxay umadooda ku leeyihiin iney sha’nigooda weyneyso, wanaagodana faafiso, ugana aargudo dadka laayay” ayaa lagu yri bayaanka ay baahisay mu’assasada As-saxaab.

Ugu dambeyntii, waxay mujaahidiintu farriin goodis iyo handadaad ah u jeediyeen xukuumadda Aala-sucuud, iyagoona wacad ku maray iney u aargudi doonaan dhamaan dadka muslimiinta ee uu laayay maamulkaas.

“waxaan ku leenahay xukuumadda Aala-sucuud, dhiiga walaalaheena ma noqon doono mid aan wax kasoo qaad lahayn, waa un saacado uu Alle u kaadinayo daalimka, si uu sii siyaadsado xadgudubkiisa, markaasna ay ku dhabowdo kalimaddii Alle uu ku xukumey gaalada, gacantiisana uu ku cadaabo mu’miniinta, thuma gacmaha mujaahidiinta. Ceebta iyo halaaga ka dhasha dhiigadaas daahirka ah ee aad daadiseen waa mid idin haleeleysa, anaguna waan u aari doonnaa ragaas waqtiga ha dheeraado ama ha dhawaado, idinkuse waxaad ua rkeysaan mid dheer, balse anagu waxaan u aragnaa iney dhowdahay”.

Bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiratul carab ayaa kusoo aaday, xilli todobaadkan maamulka Aala-sucuud uu toogtay ugu yaraan 37 maxbuus oo kamid ah maxaabiista muslimiinta ee sanadihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulkaas.

Toogashada loo geystay maxaabiistan ayaa ka kala dhacday magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto Makka iyo Madiina, waxaana bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Aala-sucuud lagu sheegay in maxaabiista la toogtay ay aaaminsanaayeen fikirka argagaxisada oo ay ula jeedaan fikirka jihaadiga ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Aala-sucuud ku dhaqaaqo tallaabo noocan oo kale ah, waxaana la xusuustaa in sanadkii 2016-ka xarameynka lagu toogtay inkabadan 40 maxbuus oo ay ku jireen culimo waaweyn oo uu kamid yahay sheikh Faaris Aala-shuweyl Az-zahraani.

Mujaahidiinta Alqaacida ayaa xilligaas waxay ka tacsiyeeyeen dilka culimadan rabaaniyinta ah loo geystay, iyadoona mu’assasada Al-malaaxim ay baahisay kalimad uu jeedinayo hogaamiye Yuusuf Al-cuyeyri oo kamid ah saraakiisha sare ee Alqaacidada Jaziiratul carab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.