Al-Qaacida oo hambalyeysay kacdoonnada Suudaan iyo Aljeeriya.(Dhagayso)
Mu’assasada As-saxaab oo ku hadasha afka mujaahidiinta Alqaacida, ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee mujaahidiinta, kaas oo looga hadlay kacdoonnadii ka dhacay welina ka soconaya wadamada Suudaan iyo Aljeeriya.
Hogaanka Al-Qaacida wuxuu si kal iyo laab ah u bogaadiyay kacdoonnadaas ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, isagoona talooyin iyo towjiihaad dhaxal gal ah u jeediyay dadkaaa bananabaxyada dhigaya, si kacdoonkooda uu u noqdo mid mira dhal ah.
“walaalaha mu’mininta ah ee kacdoonnada ka dhigaya wadmada Suudaan iyo Aljeeriya, shucuubta muslimiinta ah ee kacdoomaya, waxaan u mahad celineynaa Allaah idin jecleysiiyay, oo idin diyaariyay inaad ku baxdaan dhawaaqiida keligii taliyaasha ah, iyo inaad hor istaagtaan dabadhlifyada saliibiyiinta, waxaana Allaah uga mahad celineynaa inuu na tusay natiijada ka dhalatay booqashadii dhaaquudka Suudaan uu ugu tagay dhiigya cabka Bashaar Al-asad” ayaa lagu yiri horudhac bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, ayna baahisay mu’assasada As-saxaab.
Wuxuu intasa sii raaciyay bayaanka “kacdoon wadayaasha daacadda u ah diintooda iyo umadooda, waxaan idin leenahay u socda inaad diinta taagtaan, oo in la isku xukumo shareecada Islaamka ee darteeda naloo abuuray, socod kasta oo aan Alle dartii ahayn waa mid go’aya, kacdoon kasta oo aan sharciga Alle loo kacdoomina waa mid aan barako lahayan”.
Towjiihaadka iyo talooyinka loo jeediyay muslimiinta kunool wadamada Suudaan, Aljeeriya, Tuunis, Maqribul Islaam iyo Masar, bayaankana ku xusan waxaa kamid ah iney midoobaan.
“kalimadiina ku mideeya kalimadda towxiidka, iyo shareecada islaamka hoosteeda, siina wada halgankiina iyo jihaadkiina illaa ay ka burburayaan dhamaan qalcadaha adag ee maamullada talada haya, iyadoo laga soo bilaabayo saraakiisha ciidamada, iyo laamaha amniga ee mujrimiinta ah, haddii aan kuwaas xididada loo siibin wuxuu nidaamku soo laabanayaa isagoo ka gabood fal badan sidii hore, sidaad ka aragteen Masar iyo wadamada lamidka ah, ee waansama, dadka aragtida iyo garaadka lahow”.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan bayaanka Hambalyada kacdoonnada Suudaan iyo Aljeeriya.