Askar Lagu dilay degmada Afgooye.
Howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Afgooye ayaa lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay toogteen ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada Police-ka.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye oo la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen in raggii dilka geystay ee katirsanaa Mujaahidiinta ay goobta si nabad geliyo ah uga tageen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalka ka dhacay Afgooye ee lagu dilay afarta askari ee katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka.