Askar Lagu dilay duleedka Muqdisho.

Qarax culus oo ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda ee uu madaxda ka yahay Maxamad Farmaajo.

Askar katirsan ciidamada dowladda ayaa lagu beegsaday deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashey khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay geeridooda, kadib markii qarax lala helay gaari ay saarnaayeen askartaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabtay howlgalladeeda ay ku beegsaneyso ciidamada iyo xubnaha dowladda, waxaana qaraxan uu yimid, iyadoo maalintii shalay sarkaal katirsan ciidamada Police-ka dowladda oo ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dilo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.