Askari Lagu dilay magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka dhacay dil loo geystay askari katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe.
Dilka Askariga waxa geystay askari kale oo katirsan ciidamada Jubbaland, waxaana keenay khilaaf iyo muran soo kala dhexgalay labada askari.
Warar aynu heleyno ayaa sheegaya in labada askari ay ku murmeen qaadka Maandooriyaha, taasna ay soo dedejisay iney rasaas isku furaan.
Inta badan askarta dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada waxay isticmaalaan maandooriyaha Qaadka, waxaana soo kala dhexgalo muran iyo dood aan micno badan ku dhisneyn, taas oo keenta iney markiiba is toogtaan.
Saraakiishii hore ee milliteriga Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadda hadda jooga aan la baran dhaqanka ciidamada iyo sida ay dhexdooda u wada noolaanayaan.