Banaanbaxyada dalka Suudaan Oo sii Laba Jibaarmay.
Shacabka wadanka Suudaan ayaa kordhiyay banaanbaxyda ay kaga soo horjeedaan maamulka uu hogaamiyo Cumar Xasan Al-bashiir.
Kumanaan kun oo qof shacab ah ayaa maalintii labaad oo xiriir ah waxay banaanbaxyo ka dhigayaan afaafka hore ee xarunta Milliteriga Suudaan oo ku taalla magaalada Al-khurdhuum ee caasimadda wadankaas.
Ciidamada Amaanka ayaa xoog u adeegsanaya shacabka, waxaana maanta oo keliya magaalada caasimadda ah lagu dilay labo ruux oo kamid ah dadka banaanbaxyada dhigayay.
Halkan ka dhagayso Falanqeyn ku aadan xaaladda dalka Suudaan iyo banaanbaxyada sii kordhaya.