Butafaliqa oo ku dhawaaqay xukuumad cusub xilli ay sii socdaan banaanbaxyada.

Iyadoo weli shacabka dalka Aljeeriya ay sii wadaan banaanbaxyada ka dhanka ah madaxweynaha dalkaas Cabdil-caziiz Butafaliqa, ayuu madaxweynuhu sameeyay isbedel dhinaca xukuumadda ah.

Isbedelka lagu sameeyay golaha wasiirada ee xukuumadda Butafaliqa waxaa uu keenay in lagu dhawaaqo 27 wasiir, oo lix kamid ah ay yihiin wasiiradii hore, waxaana xukuumadda hogaaminaya ra’iisul wasaarihii hore ninka lagu magacaabo Nuuru-diin badawi.

Wasiirada ugu muuqda ee cusub waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda, iyadoona wasiirkii hore xilka laga qaaday, waxaana isbedelkan lagu sameeyay golaha wasiirada laga baahiyay telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Aljeeriya.

Waa markii labaad ee isbedel lagu sameeyo golaha wasiirada, tan iyo markii ay billowdeen kacdoonda ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuna diidanyihiin in Butafaliqa uu u tartamo madaxtinimada.

Waxaa jira warar la helayo oo sheegaya in Butafaliqa isku diyaarinayo inuu ku dhawaaqo is casilaad, maadaama ciidanka militeriga ay qudhoodu kasoo horjeesteen in Butafaliqa sii ahaado madaxweynaha wadanka Aljeeriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.