Ciidamada Itoobiya Oo lagu weeraray Bakool.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Xabashida Itoobiya lala eegtay qarax xoogan oo khasaare dhaliyay.
Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay nawaaxiga degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa qaraxa lagu weeraray, waxaana goobta lagu gubay gaari kamid ah kolonyada.
Kolonyada ciidamada Itoobiyaanka waxaya kusii jeeday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay sanado badan ku go’doonsanyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.
Sida ay sheegayaan wararka aynu heleyno, gaari nooca Uuraalka ayaa ku gubtay qaraxa, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii Xabashida ee saarneyd.
Waa gartey