Ciidamo Itoobiyaan ah Oo lagu weeraray Gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa ku waramaya in ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray qeybo kamid ah gobolkaas, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ayaa qarax culus lagu weeraray, waxaana warar aynu heleyno ay xaqiijinayaan inuu jiro khasaare adag oo gaaray Xabashida.

Inta haatan la hubo, 6 askari oo Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan saraakiil ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay sidoo kale dhaawacmeen 5 kale.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku hakaday halkii lagu weeraray, walow markii dambe ay ka tageen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu weeraray ciidamada Xabashida, khasaaraha adagna dhaliyay.

Waxaa gobollada Baay iyo Bakool kusoo badanayay howlgallada iyo qaraxyada lagu weerarayo ciidamada Xabashida marka ay isaga kala gudbayaan deegaannada iyo degmooyinka ay duulaanka kaga joogaan gobolladaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.