Ciidamo katirsan Shisheeyaha Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeellaha dhexe.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha Burundi oo ku sugan qeybo kamid ah gobolkaas.
Ciidamada Burundi ee qaraxa lala eegtay ayaa lugeynayay, waxayna ka baxeen deegaanka Buurane iyagoo kusii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Inta haatan la xaqiijiyay, 3 askari oo Burundes ah ayaa dhintay, mid kalana wuu dhaawcamey, waxaana ciidamada ay gaareen goobtii ay kusii socdeen iyagoo jiidaya meydad iyo dhaawac.
Marar badan oo hore ayaa nawaaxiga deegaanka Buurane waxaa lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha, waxaana gaaray waxyeellooyin kala duwan oo isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.