Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo dad shacab ah ku dilay dulleedka Janaale.(Sawirro)

Ciidamada Bangaraaf oo ay wehliyaan saraakiil Maraykanka ah ayaa xalay markale tacadiyo ka dhan ah dadka shacabka ah waxa ay ka gaysteen tuulada Ugunji oo hoostagta degmada Janaalle oo kamid ah degmooyinka gobalka shabeelaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa xalay saq dhexe ku soo toosay rasaas xoogan oo ay furayeen askarta ku duushay tuulada oo ay ka jirta kala danbeyn iyo amni.

Rasaas xoogan ayay ciidamada ku fareen gaari waday qudaar iyo digaag kaasi oo ku socday magaalada Muqdisho.

Hal ruux oo haweenay ah ayaa ku dhintay gaariga oo Soomaalidu utaqaano caasi waxaana ku dhaawacmay 6 ruux oo afar kamid ah ay aad uliidato xaaladooda.

Tuulada ayay soo galeen,waxay miinooyin ku xireen guryaha kadibna wey ku qarxiyeen”ayay yiraahdeen qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan Tuulada Ugunji oo saakay ay tageen wariyayaal ka socda idaacada islaamiga ah Alfurqaan.

gaariga ay la socdeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ka muuqday rasaas xooggan, waxayna waxyeelada ugu daran ay ka soo gaartay muraayadaha iyo lugaha gaariga.

Ciidamada Soomaalida ah ee uu tababaray Maraykanka ayaa xaafadaha ka raafay dhalinyaro, waxayna ku wareejiyeen saraakiisha Maraykanka kuwaasi oo calooshood ushaqeystayaasha ku amray inay ka xiiraan garka sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dhalinyarada oo mar danbe ay sii daayeen ciidamada.

Ciidamada duulaanka ahaa ayaa la kulmay dagaal xooggan oo kaga yimid ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin,waxaana la ogayn khasaaraha soo gaaray Maraykanka iyo xulufadiisa.

12-ka bisha March ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaano Bankaraf ay weerar kus qaadeen deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo uu ku qabsaday dagaal adag.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo  ka war hayay duulaankaasi ayaa qaraxyo iyo weeraro la beegsaday markii ay lugala lasoo galeen deegaanka.

waxaana xiligaasi soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaar kamid ah wariyaasha idaacadda Al-furqaan oo goobta gaaray ay indhahooda ku arkeen calaamado dhiig ah, qalab milatari iyo lacago doolar ah oo ay ka carareen shisheeyaha.

Hoos ka daawo sawirada weerarka xalay ka dhacay Ugunji.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.