Dab ka kacay magaalada Hargeysa ee Soomaali-land.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Mid kamid ah xaafadaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaali-land waxaa ka kacay dab xoogan oo dhaliyay khasaare nafeed.

Xaafadda lagu magacaabo Isku-raran ee magaalada Hargeysa ayuu dabka ka kacay, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan labo ruux.

Lama oga sababaha keenay dabkan ka kacay Hargeysa, mana jirin wax gurmad deg deg ah oo soo gaaray goobta.

Isku-raran ayaa kamid ah xaafadaha ugu dadka badan ee magaalada Hargeysa, waxaana magaaladan oo dhacda wuqooyi galbeed Soomaaliya ay xarun u tahay maamulka Soomaali-land ee uu hogaamiyo Muusa Biixi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.