Dagaal lagu qaaday Shisheeyaha heysta Qoryooley.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen fariisimiyaasha Shisheeyaha ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiho ka weeraray Shisheeyaha, waxaana meelo fog fog lag maqlayay dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay.

Dadka degmada Qoryoolay waxay sheegeen in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u suurgashey iney ka dagaallamaan afaafka hore ee saldhiga ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugan Qoryoolay.

Dagaalka kadib, ciidamada mujaahidiinta waxay ku laabteen goobihii ay duulaanka kasoo qaadeen, iyadoona ciidamada Shisheeyaha ay ridayeen weerarka kadib rasaas teel teel ah, taas oo muujineysa cabsida ay dareemayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Shisheeyaha, waxaase la aaminsayahay iney jiraan waxyeeello dhimasho iyo dhaawacba leh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.