Darawal Mooto Bajaaj Oo Muqdisho Lagu dilay.
Ciidamada dowladda federaalka ayaa sii kordhiyay dilalka bareerka ah ee ay u geysanayaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda uu toogtay darawal mooto bajaaj oo marayay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Wiilka dhalinyarada ee kaxeynayay moota Bajaajta ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu magacaabaa braahim Aways Maxamed, iyadoona sarkaalka dilka geystay uu ka baxsaday goobta.
Dilka darawalkan moota bajaajta ayaa kusoo aaday iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo ay dowladdu sheegtay in lagu sugayo amniga, kuwaas oo ay dad badan ku micneeyeen howlgallo la doonayo in lagu banneysto dhiiga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale dilkan yimid, iyadoo baraha bulshada ay ku kulanto muuqaalka taliyaha saldhiga degmada Waaberi oo jirdilaya wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka degan degmada.
Waa dilkii saddexaad ee bil gudaheed magaalada Muqdisho ay ciidamada dowladda ugu geystaan qof shacab ah oo aan waxba galabsan.