Dhaalibaan Oo Askar ku leysay Afqaanistaan.
Wararka ka imaanaya wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa ku waramaya inuu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamo katirsan Imaarada islaamiga iyo kuwa xukuumadda Kaabul.
Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada ay duulaan qorsheysan ku qaadeen saldhig milliteri oo ku yaala gobolka Qandahaar, halkas oo ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo katirsan milliteriga xukuumadda Kaabul.
Ciidamada Dhaalibaan oo weerarka qaaday habeenkii xalay ayaa ku guuleystay iney cagta mariyaan guud ahaan askartii joogtay saldhiga Maqar One, oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Boldik iyo Shuuraabik ee gobolka Qandahaar.
Dagaalka ayaa socday kudhawaad 4 saacadood oo xiriir ah, waxaana uu kusoo aaday iyadoo ay saldhiga soo booqdeen saraakiil sar sare oo katirsan xukuumadda Kaabul, kuwaas oo doonayay iney niyada u dhisaan ciidamada ku jah wareeray weerarada is xig xiga ee ay sooo qaadayaan dagaalyahannada Dhaalibaan.
War kooban oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay ku sheegtay in dagaalkan ay ku dishey ugu yaraan 35 askari oo ay ku jiraan 4 sarkaal oo kala ah Kheyrullaah, Miira-jaan, Taaj Maxamad iyo Samad.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen 8 askari oo nool, halka ay gubeen ugu yaraan 5 gaari oo noocyada dagaalka ah, kuwaas oo ku baakimnaa saldhiga la weeraray.
Howlgalka Al-khandaq ayaa si dar dar leh uga socda guud ahaan gobollada dalka Afqaanistaan, waxaana weerarada mujaahidinta ay si isku mid ah u beegsanayaan ciidamada shisheeyaha iyo kuwa xukuumadda taagta daran ee Kaabul fadhigoodu yahay.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan qarax ka dhacay duleedka magaalada Kaabul lagu dilay 3 askari oo Maraykan ah, iyo sarkaal katirsan shirkadaha shisheeye ee Maraykanka ku taageeraya duulaanka uu ku qaaday wadanka Afqaanistaan.