Dhageyso Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo Lagu Soo Qaatay Mowduuc Muhim Ah.
Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa arrimaha muhimka ah ee markaa taagan iyadoo laga qeyb galiyo dad aqoon u leh mowduuca amaba xog ogaal u ah.
Maanta waxaa lagu soo qaatay SOO DHAWEYNTA BISHA RAMADAAN. Keydka idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaan idiinka soo xulnay mowduucan oo uu ka qeyb galay Alle ha u naxariisto’e Sheekh Jaamac Aadan oo geeriyooday sannadkii lasoo dhaafay.