Dhageyso Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo Looga Hadlay Dhibaatada Heysata Bulshada Muqdisho.
Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxaana lagu falanqeeyaa hadba mowduuca taagan todobaadka iyadoo laga eegayo maslaxadda bulshada.
Todobaadkan waxaa barnaamijka lagu lafa guray dhibaatada karaarka jabsatay ee heysata bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho sida:- Dilalka joogtada ah, xirnaashaha wadooyinka, haweenka jidadka ku umulaya iyo intaas oo dhan waxa u xalka ah.
Barnaamikja waxaa nagala qeyb galay oo marti ku ahaa Xildhibaan C/raxmaan Aadan (Ibbi) oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka, Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo Nabadoon Maxamuud Cali Geedi oo kamid ah wax garadka gobolka Banaadir.