Kaniisad caan ah oo ku gubtay magaalada Paris.
Dab xoogan ayaa qabsaday taallo iyo kaniisad ku taalla bartamaha magaalada caasimadda u ah Faransiiska ee Paris.
Waxaa gebi ahaanba burburay taallada iyo kaniisadda Notre-dame ee bartamaha magaalada Paaris, kadib marki uu qabsaday dab xoogan.
Sawirro lagu baahiyay Internetka ayaa muujinaya dabka oo kusii fidaya kaniisadda, iyo kooxaha dab damiska oo isku dayaya iney ka hortagaan inuu dabka faafo.
Kaniisadda gubatay ayaa dhisaneyd inkabadan 800 oo sano, waxaana ay kamid tahay waxyaabaha caanka ka ah magaalada Paaris oo marka ay dalxiisayaashu tagaan ay booqdaan.
Madaxweynaha Faransiiska Macron oo warbaaahinta la hadlay wuxuu sheegay in shaqaalaha dab damiska ay ka hortageen in xaaladdu sii xumaato, isagoona ballanqaaday inuu dib u dhisi doono kaniisadda Notre Dame.