Dowladda Oo Qiratay iney ku fashilantay Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Masuuliyiin sar sare oo katirsan dowladda federaalka iyo ciidamada milliteriga ayaa qirtay iney ku fashilmeen olole dagaal oo sanadihii lasoo dhaafay ay ka wadeen qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe oo  deris la ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashandhiga  dowladda federaalka Maxamad Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in 2000 oo askari oo katirsan ciidamada dowladda ay u xil saareen in wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho ay ka nadiifiyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay wasiiru dowladaha in labadaas kun ee askari ay kasoo laabteen oo keliya 180 askari, halka inta kale ay noqdeen wax lagu dilo dagaallada, wax naafooba, kuwa isku dhiiba Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo qaar si dhuumaaleysi ah ugu laabtay Muqdisho.

Maxamad Xagaa ayaa shaaca ka qaada yiney ku qasbanaadeen si loo badbaadiyo ciidamada yar ee soo haray in dowladda Maraykanka ka codsadaan iney ku taageerto diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee  duqeymaha fuliya.

Qirashada dowladda federaalka ee u aadan fashilka gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya iyadoo ay Mujaahidiintu sii kordhiyeen howlgallada kala duwan ee ay la beegsanayaan Shisheeyaha iyo dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.